Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen rag hubeesan oo la sheegay in ay doonayeen in dil geestaan xili ay ku sugnaayeen meel ku dhaw Isgooska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Sida aan wararka ku helnay ragan hubeesan oo watay gaari yar oo nuuca raaxada ah ayaa waxaa qorshahooda ka war helay ciidamada booliiska a kuwaa oo isku gadaamay xili gaariga raga hubeesan wateen ku jiray meel jaam ah oo ku dhaw Isgooska Howlwadaag.
Isk ahor imaad kooban ayaa la sheegay in uu dhax maray ciidamada booliiska iyo dableyda hubeesan ee gaariga wadatay, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada dhaawaceen mid kamid ah raga hubeesan halka mid kalana gacanta ku dhigeen.
Waxaa goobta falkan uu ka dhacay si deg deg ah usoo gaaray ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaan Aflfa Group kuwaa oo la sheegay in ay horey u wateen raga hubeesan iyo gaarigii ay wateen.
Xaalada Isgooska Howlwadaag ayaa daqiiqado kooban noqotay goob ay inta badan isaga cararaan dadka shacabka markii iska hor imaadka ka dhacay sidoo kale halkaasi soo gaareen ciidamo badan.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya gudaha Suuqa Bakaaraha ku dileen labo nin hubeesan oo la sheegay in xiligaasi doonayeen in ay dileen askari katirsan ciidanka booliiska.

