CC WARSAME OO ARIN NAXDIN LEH OO KISMAAYO KAJIRTA SOO BANDHIGEY

0
26

Labo iyo toban saac ayey igu qaadatay in aan Kismaayo iyo Nairobi isaga safro ayuu igu yiri wiil dhallinyara ah oo dhinacayga fadhiyey, daal aadna u ba’ana uu ka muuqday. Waa geggidii afaraad ee la igu baaro ayuu raaciyey. Wuxuu ii sheegay in uu 7-dii subaxnimo uu Kismaayo ka soo kicitimay, Muqdishana uu 8-dii subaxninmo ka soo degtay. Saacado taraansit ah ka dib in uu Wajeer ku dhowaad saacad iyo bar kale ku hakaday, ka dibna uu Nairobi soo gaaray. Ka waran dadka waayeelka ah caruurta iyo dadka xanuunsan ee Kismaayo ka soo kicitimaya ayuu iswaydiiyey.

Ciqaabkan, ciriirigan iyo culayskan wuxuu ku gaar yahay shacabka Jubbaland. Waa xadgudub magaca Qaranka lagu samaynayo, waa ku takrifal awoodeed oo si damiir iyo dadnimo ka maran loo adeegsanayo.

Hoggaanka dowladda haddii ay isbaarada cirka ka qaadaan Kismaayo, ayaan rumaynayaa in ay dhab ka tahay dhooqada ay lugaha la dhex qaadayaan ee Beledweyne iyo Berdaale. Suuragal maaha in ay nagu qanciyaan in ay u gurmanayaan xaalad bani’aadimo oo masiibo rabaani ah ka dhalatay, iyadoo ay taagan tahay xaalad bani’aadinimo ay iyagu gacantooda ku abuureen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here