CAQLI BADANAA?!:MADAXWEYNE FARMAAJO HADDII BEESHIISA AMAANTO WADANI AYUU KUGU TILMAAMA HADDII AAD DHALIISHANA QARAN DUMIS AYUU KUGU TILMAAMA.

0
22

Waxaan lasheekeystey mid kamid ah, shaqalaaha xafiiska madaxweynaha soomaaliya oo aan mudo saaxiib ehee, waxaan is  kala afurney mid kamid ah hoteelada mogdisho waxaana kasheekeysaney xaalada dalka iyo halka ay waax marayaan.

Wuxuu ahaa mid aad u baqa oo dhinacyada fiiiraya waxaan waydiiyey sababta wuxuuna iisheegey in hadii isagoo halkaa fadhiya rag madaxweynaha qaraabadiisa ah oo u basaasa dadka ay arkaan shaqadiisa Qatar galeyso, waxaan go’aansadey in aan soo aadno gaarigeyga oo irida hire ee hotelka yaaley si aan waqti isula qaadano.

Kaftan iyo sheekho dheer kadib waxaan waydiiyey dadka isaga kabaqaayo, wuxuuna igu yiri, walalow hadii aan runta kuu sheego qaran uma shaqeyno ee qabiil ayaan ushaqeynaa, madaxtooyada waxaan ka shaqeynaayey mudo 9 sano ah weligey alshabaab wan ka baqey laakiin dowlad kama baqin maxaa yeeley anigaaba katirsana, laakiin markii ladoortey madaxweyne farmaajo  

Mudo kooban kadib waxaan ogaadey in wadaniyadii farmaajo ay eheed beesheyda amaan kana amar qaado, waxaanahay xirfadlayaal qabta dhamaan madxtooyada soomaaliya waxaa mushaarkeena kabadan qaata kuwa aan wax qorin waxna akhiryin balse kasoo jeeda qoyska Farmaajo.

Waxey noola hadlaan si anshax xumu ah waxey na dhaahaan adiga waan kaa shakiney, si aan arintaas ugu bed baadno waxaan amaannaa beesha farmaajo kadibna waxey kudhahayaan wadi ayaa atahay.

Hada waxaa qorsheynayaa in aan isaga tago shaqada dalkana majoogi karo oo nabadiidka ayaa meel kasta nootaagan

Ayuu iyiri saxiibkey oo aan hada rabin in aan magaciisa saxaafada udeegsado, wuxuuna intaa ii raaciyey amaanta beesha farmaajo iyo isagaba shaqadeena ayaa ku xiran, ee hadii aad aragtaan shaqsi amaanaya farmaajo ogow daruuf ayaa ugeysey ee anaga waxaan aragno ayaa kabadan waxaad adinku aragtaan afkeenana waa isku amaan ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey.

Arintaan ayaa wax weyna ka bedeshey aragtidiin aan ka qabey madaxeyne farmaajo iyo wadaniyadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here