CADAADO(TEBIYENEWS)-RA’ISUL WASAARAHA DALKA OO LAFADHIISTEY REER CADAADO

0
30

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay iyo maanta waxa uu magaalada Cadaado kulamo wadatashi ah kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya. Waxa uu ballan qaaday in talooyinka odayaasha iyo wadatashigooda uu aasaas u yahay tallaabooyinka xiga ee la qaadayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here