Wararka ka imaanaya gobolka banaadir ayaa sheegaya in shaqaalaha kashaqeeya xaruumaha degmooyinka gobolka banaadir ay soo food saartey cabsi aad u xoog badan kadib markii ay korortey bartilmaameedka lagu haayo xaruumaha degmooyinka gobolka banaadir .
Ururka alshabaab ayaa bilihii lasoo dhaafey weerartey dhoor xaruumood oo katirsan xaruumaha degmooyinka gobolka banaadir waxaana udan beeyey maalinti shaley aheed oo gaari waxayaabaha qarxa lagu soo buuxiyey lala beegsadey xaruunta Degmada warta anabada oo kaabiga ku haysa madaxtooyada soomaaliya.
Qaar kamid ah shaqaalaha kashaqeeya xaruumaha gobolka banaadir ayaa sheegey in ay cabsi wayn ka qabaan amniga xaruumaha ay kashaqeeyaan waxeyna ay sheegeen in ay jeclaan lahaayeen in amniga xaruumaha la adkeeyo si looga horto in ay dhibaateeyaan kooxaxa nabdiidka ah ee alshabaab.
Magaalda mogadisho ayaa marti gelisey sanadkaan 2019 weeraro joogta ah iyo dilal qorshaysan oo lagula kacaayo madaxda dowlada iyo shaqalaha raiyidka aya ayadoo alshabab sii kordhisey beegsi goobaha dadweynaha waxaana qarayo dhaliyey weeraro alshabaab ay labeegsatey shacab aan waxba galabsan.
Si kastaba ha ahaatee dowlada soomaaliya ayaa u maari la’in ay sugto amaanka caasimada halkii laga rabey in ay sugto amaanka guud ee dalka waxaana xilalkii amniga quseeyey dowlada soomaaliyeed ku qancisey qaar dano gaar ah ay ka leedahay oo amniga aqoon u laheen.