Buuq Iyo Qalalaase Hareeyay Doorashada Aqalka Sare Ee Magaalada Jowhar

0
5

Buuq ayaa hareeyay doorasho xalayka dhacaysay magaalada Jowhar kaasoo ahaa kursigii labaad ee lagu dooranayay magaalada Jowhar.

Kursigan oo ay ku tartamayeen afar musharax oo mid ka mid ahay tahay dumar ayaa markii tirinta wareeggii koowaad ay dhamaatay waxaa buuq ka bilaabay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka waxaana la damiyay nalka hoolka uu ka socotay doorashada.

Waxaa joogsaday doorashada kursigan iyadoo shan kursi oo hore loogu doortay magaalada Jowhar ay si ammaan ah ku soo dhamaatay.

dhanka kale Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle Oo Ka Hadlay Buuqii Xalay Ka Dhacay Doorashada Aqalka Sare

Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabelle ay sii soconeyso kadib markii xalay uu hareeyay buuq iyo rabshado doorashada mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle ayaa Guddoonkooda ayaa sheegay in doorashadu ay sii soconeyso kadib markii guddiga anshaxa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah xildhibaanadii xalay buuqa ka sameeyay hoolka doorashada ee magaalada Jowhar.

“Tiro kooban oo ka tirsan Xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, Dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa” ayuu yiri Siraaji Sheekh isxaaq.

Hase yeeshee ma jirowax war ah oo ka soo baxay khilaafka hareeyey doorashada Aqalka Sare ee Hirshabele guddiga doorashada iyadoo mid ka mid ah kuraasta hartay oo qaar ka mid ah musharaxiintooda ay isaga tageen magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kursigii xalay buuqa ku dhamaaday ayaa ah mid senatarka laga soo doorto uu ka soo jeedo gobolka Hiiraan,waxaana uu sababi karaa in khilaafka u dhexeeyay Maamulka Hirshabelle iyo mid kamid ah beelaha ugu waaweyn ee dega Hirshabelle gaar ahaan gobolka Hiiraan uu saameyn ku yeesho.
Illaa shan kursi oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa lagu soo doortay magaalada Jowhar iyadoo kuraastaasi mid ka mid ah ay tahay dumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here