Booqashooyinka madaxda dalka ay booqdaan gobolada oo lasheegey in ay ku baxdo lacag aad utira badan

0
24

MUQDISHO(TEBIYENEWS)-Dowlada soomaaliya ayaa lasheegey in ay sameyso taageero gacan kusamees ah xiliyada ay booqdaan gobolada dalka.

Tebiyenews ayaa ukuur gashey hababta loo soo dhoweeyo madaxda dalka waxaana xiriiro lala sameeyey habdhoorayaasha xafiisyada madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha ayaa sheegey in isa soobaxyada loo sameeyo madaxda qaranka markii ay booqanayaan lacago badan lagu bixiyo ayadoona lasheegey in dad loo shaqaaleysiiyey arintaan.

Madaxda ayaa lasheegey in laba wefdi laga hoprmariyo wufuudaas oo qaarna todobaad ka hormara qaarna labo maalin kahor mara madaxda  si ay uga shaqeeyaan isa soo baxyo lagu soo dhoweynaayo madaxda ayagoona lasheegey in ay uqeybiyaan haweenka iyo ururada bulashada rayidka ah si loo soo dhoweyo.

lacagtaan ayaa lagu qiyaaso 1 malyen ilaa 2 malyen inta udhaxeyso lacagtaas oo shaqooyin badan laguban karey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here