Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Heshiiskii Ay Gaareen Xukuumadda Iyo Musharixiinta

0
2

Beesha caalamka ayaa war kasoo saartay heshiiskii ay muqdisho ku gaareen Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta.

Qoraal kasoo baxay Beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweyay heshiiska, waxaana ay bogaadisay, kuna tilmaamtay heshiiskaasi tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ayadoo ku tilmaamaysa mid u adeegaya danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Muqdisho iyo Soomaali oo dhan.

“Qaramada Midoobay waxay si diiran usoo dhawaynaysaa heshiiskii ay caawa ku dhawaaqeen  Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxayna bogaadinaysaa kuna tilmaamaysaa heshiiskaasi tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ayadoo ku tilmaamaysa mid u adeegaya danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Muqdisho iyo Soomaali oo dhan” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay saaxiibada Beesha Caalamka.

Sidoo kale Beesha caalamku waxaa ay sheegtay in ay  ku dhiirra galinayso dhammaan ka qayb galayaasha wada hadaladan inay sii wadaan si ay u xalliyaan  mawduucyada kale ee harsan  si ay ku jirto isku tanaasul iyo niyad wanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here