Beesha Caalamka oo ku baaqday markale in si deg-deg ah loo bilaabo wadahadalada doorashooyinka

0
9

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqday inay shir deg deg ah isugu yimaadan, si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo heshiiskii Guddiga Farsamada ku gaareen magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in Madaxda joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah.

Qoraalka Beesha Caalamka ayaa u qornaa sidan;

Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo.

“Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas.

Qoraalka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Wakiilada Beesha Caalamka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here