Beesha Caalamka oo dhexdhexaadin ka dhex bilowday Xisbiyadda Somaliland

0
6

kulan ay galabta magaalada Hargeysa ku wada qateen gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka iyo Safiirka Dawladda Ingriiska u qaabilsan Arimaha Somaliland iyo Somalia Ambassador, Ben Fender.

Kulanka oo warbahiinta aanay goob joog ka ahayn ayaa waxa qoraal lagu baahiyey barta baraha bulshada ay ku leeyihiin xisbiyada mucaaridka ah waxanu u dhigna sida:-

Guddoomiyayaasha 2da Xisbi Mucaarad Ee WADDANI iyo UCID C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro” Iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa galabta Magaaladda Hargeysa kullan khaas ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Ingriiska u qaabilsan Arimaha Somaliland iyo Somalia Ambassador, Ben Fender.

Kulankan ayaa ku soo afmeermay Jawi degan iyado waxa ugu weyn ee laga wada hadlayna aheyd sidii Somaliland doorasho uga dhici laheyd 2020 taas oo bulshadda Somaliland iyo Beesha Caalamka u arkaan iney dalkan iyo dadkanba dan u tahay balse aaney xukumadda KULMIYE diyaar u aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here