BAYDHBO(TEBIYENEWS)-SHARIIF SHEEKHUNA OO KU FADEEXOOBEY SU’AALO UU WEYDIIYEY BANK ADUUNKA IYO MASHRUUC LAJOOJYEY.

0
53

Wafdi ay hogaamineyso madaxa mashaariicda bariga Afrika ee Bank Aduunka ayaa maanta soo gaarey magaalada baydhabo.

Wafdigan oo ay hor ka ceysy MAKIKO WATANABE oo ah madaxa Bariga Afrika ee banka aduunka ayaa kulamo xasaasi ah laqaadatey kusimaha madaxweynaha dowlad goboleedka soomaaliyeed koonfur galbeed mudane shariif sheekhunaa maye.

Wafdigan ayaa socodaalkiisa ahaa qiimeyn iyo kormeerid mashaaricdii kasoctey  koonfur galbeed oo maal gelinayey Banka aduunka.

Intuu shirka socdey ayaa waxaa mudane shariif sheekhuna wax laga waydiiyey mushaaraadka shaqaalaha iyo hanaan bixinta mushaaraadka ayagoona sheegey in ay haayaan cabashooyin qaar kamid ah shaqaalaha dowlada oo banka aduunka mashaaraadkiisa bixiyo. Kuwaas oo ka cabanaya in aysan helin xaquuqdooda mudo 5 bilood ah.

Kusimaha madaxweynaha ayaa lasheegey in uu ka gaabsadey jawaabta isagoona sheegey in wasaarada maaliyada laweydiindoono.

Dhanka kale Banka aduunka ayaa joojiyey  mashruuc horey ugu deeqey kaas oo ahaa ilaa 8 wado in laga dhiso magaalda baydhabo waxaana balantu eheed in mashruucaasi lafuro maanta hase yeeshee Makiko Watanabe ayaa kudhawaaqdey in dib loo dhigey isla markaana sharuudaha qaar ay tahay in lasoo buuxiyo.

Ugu danbeynti Marwo makiko ayaa waydiisatey sabta agaasimayaasha loo kala bedeley iyo mushaaraadkooda sida laga yeeley. Arintaan ayaa u muuqata mid banka aduunka laga yaabo in uu joojiyo mushaaraadka shaqaalaha maadama maamulka lagu eedeeyey in uusan bixin wax mushaar ah mudo 5 bilood ah taas oo waji gabax ku noqon doonta madaxda hada xilka haysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here