BAYDHABO(TEBIYENEWS)-XOG XASAASI AH: WEERARKII BAYDHABO KADHACEY XALEY MA WUXUU BILOW U YAHAY HANJABAADII ODAYAASHA DHAQANKA.

0
18

waxaa xaley magaalada baydhabo kadhacey weeraro loo adeegsadey bamb baanooyin kuwaas oo lala beegsadey ciidamada maamulka koonfur galbeed.

Weerarka ayaa lasheegey in qasaaro geestey waxaana durba goobta soo gaarey ciidamada amaanka degmada baydhabo oo ku sugnaa goob sidaasi aanu ugu fogeyn halka weerarka kadhacey.

Magaalda baydhabo ayaa sanadihii danbe eheed magaalo aad u nabdoon waxaana hada muuqata inamaankeeda saameeyey qulqulato siyayaasadeed oo deegaankaasi kajirto.

Laba asbuuc kahor ayey eheed kadib markii shir jaraa’iid ay qabteen odayaashada dhaqanka koonfur galbeed qaarkood kuwaas oo ku hanjabay dagaal hadii dalab kooda loo fulin waayo. Weerarkaan ayaa imaanaya ayadoo mudadii odayaashu qabteen dhamaatey waxaana arinta aan la ogeyn in ay xiriir laleedahay iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here