Madaxdweynaha maamulka koo fur Galbeed mudane CabdiCasiis Xasan maxamed ayaa maanta safaarada Qatar kula kulmey xafiiskiisa.
Kulanka oo qaatey mudo Nusa-saac ah ayaa lasheegey in labada masuul uga wada hadleen arimo badan iyo sidii koonfur galbeed taageero iga heli leheed Dowlada Qatar.
Xasan Binu Xamza safiirka safaarada Qatar ee soomaaliya ayaa soo dhaweeyey in koonfur galbeed horumarka lagala shaqeeyo hase yeeshee safiirka ayaa madaxweynaha usheegey in dowlada federalka soomaro si loo kaalmeeyo.
Safiirka ayaa sheegey in dowlada federalka keliya ay mashaariic siiyaan ayaduna ay usii gudbin doonto maamulada dalka.
Madaxweyne laftagareen ayaa lasheegey in uu isku dayey in uu sheego safiirka in dowlada fdederalka soomaaliya ay saxiibo dhow yihiin balse safiirka ayaa lasheegey in uu hadalka soo xirey.