Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ayaa ka cudur daartay inuu ka qayb galo halkanka doorashada 2020-ka, islamarkaana uunan awoodin in uu u tartamo xilka guddoonka baarlamaanka 2020-ka, arrimaha u gaar ah awgeed, xoghayaha warfaafinta Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay in Jawaari oo ah 86 jir uu muddo ka sheeganaya caafimaad yari (Neef/Asma) islamarkaana ay ku adagtahay inuu kusii jiro siyaasada, weliba tabar badan uhaynin dhaqan galinta qorsheyaasha Xisbiga oo ay ugu weyn tahay arrimaha ololaha doorashad 2020-ka.
Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Himilo Mudane Sh Shariif ayaa aaminsan in deegaannada uu kasoo jeedo Jawaari ay tahay goobaha ay ku nool yihiin shacabka ugu tirada bada ayna muhiim u tahay Xisbigiisa inuu ka helo codadka ugu badan xilliga doorashada 2020-ka, Sh Shariif iyo Jawaari ayaa isla gartay in ay haboon tahay wiilka Jawaari lagu badello booska aabihiis islamarkaasna uu beeshiisa kusoo xiro Xisbiga Himilo Qaran, Jawaari ayaa looga fadhiyaa inuu beeshiisa ku qanciyo in ay taageeraan musharaxnimada wiilkiisa islamarkaana garab istaagaan Xisbiga Himilo Qaran.
Xisbiyada siyaasada ayaa aaminsan in ay ku xiran tahay natiijada doorashada 2020-ka, Xisbiga helaa codadka shacabka deggan Koonfur Galbeed, deegaannada K/Galbeed ayaa Maamul Goboleedyada ugu dadka badan marka labarbar dhigo Maamulada kale ee dalka kajira, islamarkaana ay u sii dheer tahay dadka lahjada Maayga ku hadlaa ee ku nool Jubaland iyo Gobolka Banaadir.
C…. Jawaahi oo ah 38 jir ayaa lagu wadaa in uu la wareego hogaanka ololaha doorashada 2020-ka qaybta K/Galbeed, Cabdicasiis Jawaari ayaa ah shaqsi ku cusub saaxada siyaasada dalka islamarkaana deegaannada uu kasoo jeedo muddo ka maqnaa, Xisbiga Himilo ayaa ka walwalsan Cabdicasiis. Jawaari guulaha doorashada uu uhorseesi karo Xisbiga, iyadoo ay yar tahay da,da, qibrada, iyo aqoonta hogaaminta siyaasad uu lee yahay, Gudoomiye Jawaari ayaa horyaala howlo adag iyo in xal ugu heli sidii wiilkiisa ula wareegi hogaanka beesha deegaanada uu kasoo jeedo iyo kan Xisbigaba.