BAYDHABO(TEBIYENEWS)-DOWLADA INGIRIISKA OO MAANTA DAAH FURTEY XARUUN 2 SANO KAHOR AY BALANQAADEY.

0
38

Munaasabad si weyn loo soo agaasimey taas oo lagu daah furaayey xaruunta tababarka ciidanka xooga oo ay maalgelisey ingiriiska ayaa kadhacdey magaalada tan Baydhabo.

Xaladan ayaa waxaa ka qeyb galey wasiirka difaaca soomaaliya mudane xasan Amardanbe, sii haayaha xilka madaxweynaha koonfur galbeed ahna guddoomiyaha baarlamaanka Kgs mudane Cabdulqaadir shariif sheekhuna, safiirka inigiirska Ben Fander iyo xunbo ka kala socodey golayaasha dowlada koonfur galbeed.

Intaan munaasabada lafurin ayaa waxaa wafdiga kormeerey guud ahaan xerada cusub waxaan kadib bilaabatey xafladii furitaanka.

Ciidamo katirsan Qeybta 60 aad ciidaka xooga dalka oo gaaraya 100 askari ayaana loo furey tababar soconaayo 2 bilood oo kaamil ah.

Dowlada goboleedka koonfur galbeed ayaa soo dhoweysey talaabadan waxeyna ku tilmaantey mid muhiim u ah sugida amniga koonfur galbeed.

Waxaana ku xigi doona guutooyin kale oo ciidanka katirsan kuwaas oo ayaguna tababar ku filan lasiin doono sida uu sheegey sarkaal katirsan dowlada soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here