BANAAN BAXYO AAD U XOOG BADAN OO KASOCDA MAGAALADA MUQDISHO IYO QASAARE LASOO SHEEGAYO DURBA.

0
14

Warar ka ka imaanaya magaalada mogadisho ayaa sheegaya saaka in ay ku waa bariisatey Banaan baxyo aad u xoog badan kuwaas ay dhigayeen ardeydii dugyada sarey ee wasiirka waxbarashada sheegey in uu kansaley.

Dibad baxa ayaa waxaa dhigaya waalidiinta iyo ardeydii dugsiyada sare ee u fadhiisatey imtaxaankii sanadlaha ahaa oo dowlada sheegtey in ay qaadeyso.

Qaar kamid ah ardeyda dibad baxa dhigeyey ayaa ku qaylinayey in qishka ay heleen wasaarada ka iibsadeen oo wasiir goodax xitaa wax ka ogaa taas oo ay  sheegeen in lacag badan looga qaatey, arinta oo hadii ay dhabowdo fadeexad weyn kunoqon doonta wasiirka waxbarashada dowlada soomaaliya ayaa waxaa lais weydiinayaa xagee kale oo ardeyda ka heli karaan Imataxaanka?

Waxaa muuqata masuuliyada darro aad u weyn oo masuuliyiinta wasaarada ku kaceen amaanadiina ay dayaceen, wasiir goodax oo katirsan xisbiga Nabadad iyo Nolol nolal ayaa waxaa laga yaabaa in uu xilka sii haayo hadii aanu dowlada u arkin mudaharaadka Qatar weyn dibad baxyada kasocoda mogadisho.

Dhanka kale qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa kadhacey, banana baxa kadib markii rasaas ku kafureen  ciidanka amaanka ardeyda wadada socotey oo si nabad ah wada ku maraayey.

Dibad baxyada ayaa sii xoogeysanaya ayadoo magaalda mogdisho oo kadhan isku fidiyey mudaaharaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here