Banaanbaxyo waa weyn oo maanta ka dhacay magaalooyin ay Muqdisho ku jirto

0
5

Inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa inay ka dhacaan banaanbaxyo looga soo hor jeedo gefkii madaxweynaha dalka Faransiiska Macron uu u geystay Nebigeena Muxamed NNKH iyo diinta suuban ee Islaamka.

Magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo, Cadaado iyo kuwo kale ayaa xilligan laga dareemayaa abaabulkii ugu weynaa ee banaanbaxa ka dhanka ah hadalka madaxweyne Macron.

Shalay waxay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo hor jeedo gefkaas ay ka dhaceen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee Somaliland.

Sidoo kale hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadashay gefkaas, iyagoo soo jeediyey in Faransiiska lagula hadlo luuqad ay fahmi karaan oo ah in xiriirka loo jaro.

Dhanka kale Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa  ka socda banaanbaxyo xoog leh oo looga soo hor jeedo gefkii madaxweynaha dalka Faransiiska Macron uu u geystay Nebigeena Muxamed NNKH iyo diinta suuban ee Islaamka.

Dad aad u badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah gefka uu madaxweyne Macron ku kacay Arbacadii la soo dhaafay.

 

Banaanbaxyada ayaa ah kuwo nabadeed oo dadku ma sameynayaan wax rabshado ama gacan ka hadal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here