Baarlamaanka Somalia oo fulinaya Qodob ka mida Dalabkii Beesha Caalamka ee Sharciga Doorashada 2020/2021

0
18

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomalaiya ayaa fuliaya qodob ka mida dalabkii ka yimid beesha caalamka ee ku saabsanaa in Sharciga doorashooyinka dalka ee 2020/2021 degdeg loo ansixiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in Sharciga Doorashada ay wadajir u ansixin doonaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka inta aanu dhammaan sanadkan 2019, waxayna arrintan ka mid ahayd 11 Qodob oo beesha caalamka ka dalbatay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan Doorashada 2020/2021. 

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa kulamo kala gaara la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasoo looga hadlay sharciga Doorashada iyo sidii labada aqal ay u dedejin lahaayeen sharciga horyaalla.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha Sabtida iyo Isniinta ee bishan Disembar ay kulan wadajir ah yeeshaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka si loo ansixiyo Sharciga Doorashada wax ka bedel cusub lagu sameeyay, lana marinayo akhrinta saddexaad. Waxaa kaloo beesha caalamka ay dalbatay in Baarlamaanku ansixiyo Sharciga Xisbiyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sharcigan ka horjeeda ayaan wax door ah ku lahayn dadaalka ay Beesha caalamka wado, waxaana uu dhinaciisa kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaanno ka tirsan labada Gole isagoo ku boorinaya inaysan ansixin sharciga hadda horyaalla Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here