Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la horgeynayo mooshin

0
3

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu wadaa in Maanta ay kulan ku yeeshaan Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed,iyada oo la horgeynayo mooshin muddo kordhin loogu sameynayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Xildhibaanada ayaa todobaadkii hore lagu wargeliyay inay kulankaas isugu yimaadeen,waxaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dadaal ugu jiraa in Baarlamaanka uu u sameeyo muddo kordhin hal sano iyo laba bilood ah.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Xildhibaannada ka Hodan doona muddo kordhinta si loo mideeyo Doorashada Madaxweynaha iyo midda Baarlamaanka oo kala horkeenaan.

Dad u badan siyaasiyiin ayaa aad u dhaliilay dhaq dhaqaaqyada ka socda Magaalada  Baydhabo  ee Gobolka Baay,hayeeshee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaanan weli ka hadlin maadaama ay horay u sheegtay in loo baahan yahay in Doorashooyinka Maamul Goboleedyada, ay tahay inay waqtigooda ku qabsoomaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here