Warar hordhac ah oo ka imaanaya magaalada Nairoobi ayaa sheegaya in uu jiro Is afgarad aan wali la dhameystiran oo dhexmaray dhinacyada isku haya Jubbaland, gaar ahaana Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seerar.
Xubnahaan ayaa isku qabtay arrimaha doorashooyinkii Jubbaland ka dhacay sannadkii hore,hayeeshee waxaa Maalmihii la soo dhaafay ku wada hadal siinayey Magaalada nairobi Xubno ka socda Dowladda Kenya.
Warar kasoo baxaya kulamo maalmahaan u socdey Saddexda mas’uul ayaa waxaa ay sheegayaan inay 6 qodob kuheshiiyeen dhinacyadan,iyaga oo dhawaan war-saxaafadeed soo saari doona.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtey doorashadii ka dhacdey Magaalada Kismaayo ee lagu doortey Axmed Madoobe,hayeeshee aan la ogeyn waxa ay ka yeeli doonto heshiiska ay wada gaareen saddexda Mas’uul.