NAIROBI (Tebiyenews) – Wada hadalo ay garwadeen ka tahay dawladda Kenya ayaa mudooyinkii u dambeeyey kasocday dalkaas, kaas oo ay iskugu keentay afar kamid ah xubnaha iska soo horjeeday ee ku wada sugnaa magaalada Kismaayo, isla markaasna mid kastaba uu sheeganayay in uu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee Jubbaland.
Xubnaha wada hadlayay ayaa kala garabyada Isbedel doonka Jubbaland oo ay u horeeyaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Sheekh Daahir & Cabdinaasir Seeraar, waxaana dhinaca kale kasoo horjeeday Axmed Madoobe (Madaxweynaha Jubbaland ee doorashadiisu ay muranka keentay).
Dadaalada Kenya ayaa socday bilihii lasoo dhaafay, balse 25 maalmood ee laso dhaafay ayay ku guuleystay in ay xubnahan iskugu keento gudaha magaalada Nairobi, waxayna wada hadaladu ahaayen kuwa dhinacyada oo dhan ay qeyb ka ahaayeen.
Xukuumadda Nairobi doorkeeda ayaa ah sidii ay sadexda xubnood ka hor bisha June heshiis u dhex-dhigi lahayd, laakiin tabashooyinka oo badnaa ma suuragalin in horey heshiis ay ka gaaraan, balse in ay wada hadalada sii wadaan ayaa ahayd door socday.
Mucaaradka Axmed Madoobe ayaa miiska wada xaajoodyada la yimi qodobo adag oo ku saleysan in la fuliyo, laakiin qaarkod waxay ku ahayd halis weyn mudo xileedka Axmed Madoobe, waxaana qodobada doodaha adag ka mid ahaa in uusan mar dambe isku soo sharaxin Madaxweyne-nimada Jubbaland.
Qodobada 24 saac ee lasoo dhaafay laga gaaray horumarka, waxaa kamid ah saami qeybsiga golaha cusub ee Wasiiradda Jubbaland, in aan doorashadii Axmed Madoobe dib loogu laaban, in uu u hogaansamo qodobada Dastuurka oo uusan dib dambe isku soo sharaxin iyo in uu Gogol nabdeed u dhigo dadka deegaanka oo dhan, oo ay qeyb ka yihiin dhinacyada ay is hayaan.
Doodaha adag ee wali taagan, waxaa kamid ah mustaqbalka sida doorashadu ay noqonayso, gaar ahaana qadiyada ku wajahan mudo xileedka Axmed Madoobe ee hadda in wax laga bedelo, taas oo ay diidan tahay Madaxtooyada Jubbaland.