Axmed Madoobe oo la kulmay xildhibaanada BF ku metela Jubbaland

0
9

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay  xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Kulanka oo ahaa mid is xogwareysi ayaa waxa uu ka dhacay hoyga uu Axmed Madoobe uu ka deganyahay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

kulankan ayaa waxaa lagu falanqeeyay xaaladihii u dambeeayay ee dalka gaar ahaan tan deegaanada Jubbaland, waxaana la wadaagay talooyin kala duwan, iyadoo Axmed Madoobe uu xildhibaanada u soo jeediyay  in ay yimaadaan deegaanadii laga soo doortay si ay uga tashtaan arrimaha masiiriga ah, una ogaadaan baahiyaha bulshadooda.

Axmed Madoobe ayaa dhowr mar kulamo kala duwan la qaatay xildhibaanda iyo wasiirrada ka soo jeeda Jubbaland, isagoo kulankii kan ka horeeyey uu magaalada Garowe kula qaatay wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here