Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhamaan Umada Islaamka ah gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada Bisha Ramadaan.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan oo ay garab istaagan dadka taagta daran kuwaas oo Bishan oo kale ay tahay in loo muujiyo garab istaag iyo taakulo dheeri ah.
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in xayiradaaha ka dhashay xanuunka COVID19 ay yihiin kuwo saamaynaya dhaqdhaqaaqa Bulshada loona baahan yahay inay dadku u hogaansamaan fariimaha hay’adaha Caafimaadka.