Axmed Madoobe oo Dhoobley Ku Wajahan

0
6

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha  Jubaland ayaa la filayaa in uu socdaal ku gaaro  degmada Dhoobley ee Gobalka Jubadda Hoose.

Madaxweynaha iyo wafdi u hoggaaminaya ayaa ku sii jeeda Dhoobley, ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay.

U jeedka socdaalka madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulamo la qaadan doono saraakiisha ammaanka Dhoobley, waxaana uu kala hadli doonaa la dagaallanka shabaab, waxaa la rajaynayaa in uu kormeer guud ku sameeyn doono qaybaha kala duwan ee degmada.

Waxaa taagan khilaaf xooggan oo u dhexeeyay dowladda dhexe iyo maamulka Axmed Madoobe, iyadoo dowladda dhexe ay ciidan ku daabushay Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here