AXMED MADOOBE FARMAJO WUUKA GUULEYSTEY, ISAGAANA IS FASHILIN DOONA HAL ARIN DARTEED

0
45

Bilihii lasoo dhaafey waxaa saxaafada soomaalida xareeyey, khilaaf lasheegay in uu udhaxeeyo madaxweynaha dowlad goboleydka Jubaland mudane Axmed Madoobe iyo Galmudug Axmed Ducaale  Xaaf oo dhinac ah iyo dowlada federalka soomaaliya oo dhanka kale ah.

Arintan khilaafka ah ayaa saxaafada hadba si udhigeysey ayadoo marmarka qaar  saxaafadu sheegeysey, in xal laga gaarey khilaafkii, hase yeeshee mudo kadib waxaa dib usoo ifbaxayey khilaafka udhaxeeya dowlada federalka iyo hogaamiyada hubeysan ee bjubaland mudane Axmed Maxamed.

Hadaba shirar isdaba jooga ah, oo ka kala dhacey Kismaayo, Mogadisho iyo Garoowe ayaa u muuqdey kuwa lagu raadinayey xal waara balse dadaalkaasi ayaa hal bacaad lagu lisey noqodey kadib markii dowlada soomaaliya iyo dowlada Jubaland madaxdooda ismari waayeen.

Sikastaba ha ahaatee axmed madoobe ayaad moodaa dowlada in uu kaguuleystey marka loo eego shaxda uu lacayaarey dowlada, kadib markii dowlada Kenya Gacnsaar dhow layeeshey, ayadoo la ogyahay in bilihii danbe dowlada soomaaliya iyo Keny aanu isku fiicneyn oo safiiradooda kala qaateen.

Shir kadhacey dalka Kenya ayaa lasheegey in dowlad goboleydyada soomaaliyeed ay heshiis gooni gooni ah ula gashey dowlada Kenya ayadoo ku xumeyneysa xukuumada Farmaajo.

Hadaba shirkii udanbeeyey ee Gorowe oo maalmo socdey ayaa lasheegey in fashil uu kusoo idlaadey waxaana xusid mudan maalinka shirka fashilmey in dowlada Keynya ay joojisey duulimaadyadii tooska ahaa ee Mogadisho iyo Nairobi.

Ila xog ogaal ah ayaa sheegaya, in xiriir weyn kadhaxeeyo joojinta duulimaadyada iyo fashilkii kuyimid shirkii gorowe, waxaana wararku sheegayaan in dowlada Kenya ay dooneyso in ay cadaadis uga dhigto dowlada federalka  ah ee soomaaliya si ay ugu hogaansanto amaradeeda.

Hadaba dagaalka Kenya iyo Farmaajo ayaa waxaa lasheegey in ay guulweyn ugu jirto Axmed Islaam oo ah musharax madaxweynaha dowlada Goboleedka soomaaliyeed ee Jubaland, waxaana arintaan lagu sababeyey in ciidamada Kenya oo kusugan  deegaanada Jubaland,  garabweyn siin doonaan, sidii markale usoo laaban lahaa madaxweynaha hada xilka haaya ee Jubalnd.

Dadka siyaasada udhuun doloola ayaa sheegaya in Axmed Madoobe rajo fiican yeelan karo hadii uu ol olihiisa si fiican umaareeyo balse waxaa lasheegaya in ay adkaan doonto inuu maareeyo hadii uu kusii socdo hab dhaqanka xir xiran ee lagu yaqaano taas oo adkeen doonta xitaa in ay lasii shaqeeyaan taageerayaasha isaga daacada u ah.

Wixii kusoo kordha goordhow ayaan idin soo gudbin doonaa

Xafiiska Nairobi-kenya

Tebiyenews.ocm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here