Axmad Madoobe oo gaaray Degmada Dhoobleey

0
24

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa gaaray magalaada Dhoobleey halkaas oo uu kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mida  Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan Degaankaas.

Madaxweynaha oo aan halkaas tagin in mudo ah ayaa waxa uu kala hadlay saraakiisha ciidan amaanka sidii ay u sameyn lahayaeen howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo la isugu furayo waddooyinka isku xira degmooyinka Gobolada Jubbooyinka, maadaama Degmooyinka Gobolka Gedo intooda badan ka baxday gacanta maamulkiisa.

Sida loo xaqiijiyay Tebiyenews Axmed Madoobe oo doorashadii uu ku qabtay Kismaayo kahor timid Dowladda federaalka, waxa uu wadaa abaabul uu dib isugu uruurinayo Ciidamada Daraawiishta Maamulkaas, si aan saameyn taban ugu yeelan dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada DFS.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu maanta la kulmo Qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Odoyaasha dhaqanka, waxaana kulan kale uu kula ballansan yahay Saraakiisha Kenya ee hogaamineysa howlgalka AMISOM gaar ahaan Gobolada Jubbooyinka.

Safarka Axmed Madoobe ee Dhoobley waxa uu qorshuhu ahaa in uu dhulka maro, balse waa uu ka baaqday, maadaama maalmo kahor weerar toos ah iyo qaraxyo lagu qaaday Ciidamo sahminyay Wadada. Diyaarad nuuca Qummaatiga u kaca oo ay leedahay Dowladda Kenya ayuu ku gaaray Degmada Dhoobley sida saraakiil katirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland oo la socday Axmed Madoobe ay xaqiijiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here