ATARIISHO CAAN AH OO FANKA UGU BAXDEY SABAB CAJIIB AH

0
88

MUQDISHO(TEBIYENEWS)-Atariishada da’da yar ee Zaira Wasim oo sheegtay in filimada isaga baxdey kadib markii ay waysay macaanka iimaanka

Marka aad da’yartay hadana aad dhexda u gasho caanimada way adag tahay in aan xasuusato Ilaahaygii ku uuntay, laakiin gabadha yar ee cirkaa maraysa ee reer Kashmir ee Muslimada ah Zaira Wasim waxaa usoo carfay macaanka IImaanka islaamka. Gabadhan waa 18 jir dhalatay October 23, 2000. Labada film ay caanka ku noqotay ee Dangal iyo Secret Super Star waxaa laga helay isku darkii lacag ka kadan 200 milyan oo doolar. Iyada hada waxay haysataa laba milyan oo doolar. Waxaana irideeda tuban film soo saarayaal badan oo raba in ay filmada u jisho. laakiin Zaira Wasim waxay maalintii shalay ahayd sheegtay gebi ahaanba in ay filimada isaga baxdey iyadoo daliil uga dhigtay in diinteeda ay ka fasahaadey. “Lacag, magac iyo hantiba waan helay laakiin waxaa waayay iimaankaygii. Sidaas darteed waanka baxey filmada oo waaxaan rabaain aan dhadhansado macaanka iimaanka. “
Aqriste ka warama gabadhan yar oo aduunyada hoosteeda joogto oo iimankeeda ka dooratay? Soo ma aha gabar Ilaahay hanuuniyay?

Isha:ustad Abdirazaq British.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here