Askari Ka Tirsan Dowladda oo Muqdisho Ku Dilay Wiil Dhalinyaro ahaa

0
10

Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa saakay Magaaladda Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Falkaan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Wiilka la dilay ayaa lagu Magacaabi jirey Maxamed Abuukar Tuuryare.

Ala Ha U Naxariistee Tuuryare ayaa la sheegay in uu sagootinayay qof kamid ah Ehelkiisa oo safar ahaa.

Goobjooge ayaa Shabakada Tebiyenews.com u sheegay in wiilka la dilay oo lagu magacaabayay Maxamed Abuukar Tuuryare, iyo askariga dilay ay murmeen kahor inta uusan dhicin falka dilka ah, lamana oga wali waxa ay isku qabteen.

Meydka Wiilka Dhalinyarada ahaa ayaa goobta laga qaaday,waxaana baxsaday Askariga Dilka Geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here