Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo darawal ku dilay Muqdisho

0
7

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa nin darawal ka ahaa baabuur caasi ah ku dilay Isgoyska Ex Konrool Afgooye ee Muqdisho Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u xaqiijiyay in dilka ruuxaan uu yimid ka dib markii labadda ruux ay ku murmeen lacag.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyay in Ciidanka dowladda ee ku sugan aagaasi ay gawaarida ka qaadaan lacag dhan 5 kun oo shilin Soomaali ah, islamarkaana uu diiday darawalka la dilay.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay in uu goobta kabaxsaday ka dib markii darawalka dilay.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Ex konrool Afgooye ayaa ku guuldareystay in ay qabtaan Askariga dilka geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here