Sida ay sheegayaan wararka askar ka tirsan ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya, oo ku sugan degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa lagu eedeeyay in ay halkaas ku kufsadeen gabar aan weli qaan-gaarin iyo haweeney xaamil ahayd.
Guddoomiyihii hore ee degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, Xassan Macallin Cumar, oo la hadlay Tebiyenews ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in askar ka tirsan Militariga Soomaaliya ay degaanka Jannaale kufsi ugu gaysteen gabar yar oo 13-sano jir ahayd iyo haweeney xaamila.
Xassan Macallin, ayaa tilmaamay in gabadha yar ee 13-jirka ah ay ciidanku xoog kaga wateen gudaha degaanka Jannaale, kadibna ay kufsi ba’an u gaysteen, islamarkaana haatan ay xaaladeeda caafimaad liidato.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in haweeneyda xaamilka ah saddex askari oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ee ku sugan Jannaale ay gaari kala dageen, kadibna kufsi fool-xun u gaysteen.