Aqriiso:Kenya oo shaacisay liiska Macalimiinta ay Al-shabaab dileen tan iyo 2014kii

0
15

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay Macalimiinta Kenyaanka ah ee ay AL-shabaab ku dileen Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya.

Guddiga macallimiinta Kenya ee loo soo gaabiyo TCS ayaa sheegay in tan iyo 2014kii ay Al-shabaab ku dileen Gobolka Soomaalida 42 Macalin taasina ay iyaga walaac ku abuurtay.

Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Mallimiinta Kenya Nancy Macharia, oo difaaceysay sababta Macalimiinta Kenyaanka ah looga saaray Gobolka ayaa ku doodday in Al-shabaab ay dileen 42 Macalin taasina aysan sii socon karin.

Guddiga ayaa Macallimiin badan oo Kenyaan ah ka saaray Gobolka markii ay sare u kaceen weerarrada Al-shabaab ka geysanayaan halkaas gaar ahaanna kuwa sida gaarka ah loola beegsanayo Macalimiinta.

Dhawaan Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa gudbiyay go’aan ka dhan ah Macalimiinta laga saarayo Gobolka taas oo sababtay in Baarlamaanka uu u yeero Guddiga.

Magaalada Gaarisa ayaa laga diiwaangeliyay 180 Macalin oo Soomaali ah kuwaas oo si tabarucaad ah Ardeyda wax ku bari doona maaddaama Macallimiintii dowladda ay gobolka uga baxeen baqdin naftooda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here