Aqalka Wakiillada Mareykanka oo isku raacay xil ka qaadista madaxweyne Donald Trump

0
5

 Codeyntan oo siweyn isha loogu wada hayay ayeey ugu danbeyntii Aqalka Wakiilada ee Congress -ka Mareykanku isku raaceen soo jeedinta xil ka qaadista madaxweyne Donald TrumpMadaxweyne Trump ayaa lagu soo eedeeyey labo qodob oo kala ah 1) in uu ku takri falay awooddii madaxweynenimo iyo 2) in uu horjoogsaday codsigii kongereeska ee ahaa inuu soo gudbiyo waraaqaha uu goluhu codsaday.

Codbixintii qodobka koowaad ayaa waxa natiijadiisu ahayd 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday.

Qodobka labaad ayaa isna sidan loo kala codeeyey: 229 mudane oo oggolaaday, 198 mudane oo iyagu diiday.

Madaxweyne Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah oo ay xilka ka qaadaan aqalka wakiilada ama Kongreska Mareykanka.

Go’aanka ay gaareen mudanayaasha Aqalka Congress -ka ayaa loo gudbinayaa Aqalka sare ama Senetka, oo leh go’aanka ugu danbeeya ee codeynta.

Dadka sida weyn ugu dhuundaloola siyaasadda Mareykanka ayaa qaba in Aqalka sare oo ay ku badan yihiin Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga oo uu ka tirsan yahay Trump daaqada ka tuuri doonaan go’aanka uu gaaray Congress -ka, waana halka kaliya ee uu ku badbaadi karo madaxweynaha.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeysan “qiyaano qaran” iyo in dhiggiisa Ukraine uu ku cadaadiyay sidii uu baaritaan ugu sameyn lahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaas-ka ee Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here