AMISOM oo qiratay inay dad rayid ahaa ku leysay duleedka JANAALE

0
5

Taliska ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horreysay ka hadlay weerar ciidamadooda ay dhowaan ku dileen dad rayid ahaa oo ku sugnaa tuulooyin hoostag deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in aad uga xun yihiin dhacdadaasi, islamarkaana ay aheyd mid nasiib darro ah.

Sidoo kale AMISOM ayaa tacsi u dirtay ehellada dadkii lagu dilay halkaasi oo ahaa illaa saddex qof, halka lagu dhaawacay 2 kale oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

“Dhacdadii maalintii Isniinta 8-da bishan waxa ay ahayd nasiib daro, waan uga tacsiyeynaynaa ehelada marxuumiintaasi, kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah ayaa u rajeynaynaa”, ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Madaxa AMISOM, Francisco Madeira .

Saddexda qof ee geeriyootay ayaa dhammaan ahaa haween, waxaana beerahooda ugu tegay madafiic ay rideen ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanka Janaale.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay oo ciidamada AMISOM ay gudaha dalka ku leynayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana inta badan ay waxyeelo u geystaan dadka shacabka ah, marka ay weero kala kulmaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here