Aktarka Amitabh oo isbitaalka laga saaray iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hindiya oo Isbitaal la dhigey

0
3

Aktarka caanka ah ee dalka Hindiya Amitabh Bachchan oo dhowaan laga helay cudurka Covid-19 ayaa laga saaray isbitaalka, halka Wasiirkii arrimaha dibadda dalka Hindiya Amit Shah oo laga helay Coronavirus la dhigey isbitaalka.

Amitabh oo Soomaalidu u taqaan Cali Dheere ayaa muddo saddex toddobaad ah ku jirey isbitaalka iyadoo haatan xaaladiisa caafimaad soo wanaagsanaatay.

Cali Dheere ayaa haatan ku jira qol gaar ah oo gurigiisa ka mid ah isagoo weli la baxnaaninayo.

Sidoo kale waxaa isbitaalka laga saaray gabadha oo uu soddogga u yahay Aishwarya Rai iyo gabadheeda Aradhya oo hore looga helay Covid-19,balse waxaa isbitaalka weli ku jira wiilka uu dhalay Cali Dheere ee Abhishek Bachchan .

Dhinaca kale waxaa la dhigey isbitaal Wasiirkii Arrimaha Gudaha Hindiya Amit Shah kadib markii uu ku dhacay Covid-19.

Shah ayaa is baaray isagoo isku arkay calaamadaha lagu garto cudurka COVID-19,waxaana la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Dalka HIndiya ayaa waxaa uu cudurka COVID-19 ku dhacay dad gaaraya inkabadan hal malyan iyo toddobo boqol oo kun halka ay u dhinteen dad ka badan soddon iyo toddobo kun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here