Akhriso Wararkii I Dambeeyay Xiisada Siyaasadda Dalka

0
51

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Taliyeyaasha Ciidanka ayaa si lug ah ku tagay Xafiiskiisa oo ku yaalla gudaha Madaxtooyada, kaddib markii saaka la isku dayay in Xafiiskiisa lala wareego.

Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada ayaa isku dayay inay Xafiiska la wareegaan kalana diraan Shaqaalaha, iyadoo isku daygaas markii dambe uu fashilmay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa sheegay inuu yahay Tabliiq Nabadeed, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay dalka u turaan.

Safaaradda Mareykanka ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo dejiyo xiisada Muqdisho, lagana baaqsado tallaabooyinka daan daansiga ah iyo gacan ka hadalka.

Safiirka UK u fadhida Soomaaliya ayaa ku boorisay in Degdeg ah loo joojiyo colaadda saakay ka taagan Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here