AKHRISO: Shirkii ka socday Puntland oo laga soo saaray go’aamo ka dhan ah dowladda dhexe

0
16

Puntland ayaa War Murtiyadeed kasoo saartay Shirkii Wadatashiga Puntland ee Saddex maalin ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Shirkaan Qodobadda kasoo baxay waxaa ka mid ah in  aysan Puntland aqbaleyn doorasho qof kasta codkiisa dhiibta oo dhacda sannadkan dhamaadkiisa, waxaana Qoraalka lagu sheegay in sharcigaas uusan damaanad qaadeyn arrimaha doorasho furan.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in aysan aqbali doonin Mudo kororsi ay sameystaan Madaxda dowladda Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka, waxaa lagu sheegay in ay Puntland casumaad u fidinayso saami-leyda siyaasada Soomaaliya, ee dalka si loo badbaadiyo dalka.

Qodobadda waxa qeyb ka ahaa  Dastuurka dib loo  dhigo , islamarkaana loo daayo dowladda iman doonta 2020/2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here