Akhriso:-Rabshadaha Qaawan Waxaan isweydiinayaa yaa mas’uul ka ah dulmiga weyn ee Koonfurta Soomaaliya?

0
14

Dulmigii Qaawanaa Waxaan isweydiin mudan dulmiga lagu hayo gaar ahaan Koonfurta Soomaliya yaase laga doonaya xalintiisa? Waxan mar labaad doonaaya inaan is dulistaago waxa uu salka ku hayo dulmiga isbiirsadey ee ay ku hayaan Madaxda Xukuumada ka talisa waqtigan Soomaaliya hadii koox ama qoowmiyad la faquuqaayo oo loo muujinaayo naceyb ama ka takoorida siyasada iyo iney ka dhiidhiyaan masiirka aayahaooda waxaa loola dagaala siyaabo badan oo lagu curyaamiyo horumarka bulshadeed ee dhaqan dhaqaale iyo amni. Nasiib darada heysata dadyowga ku nool deegaan Weynahan Jamhuuriyada Barkaysan Mayland ama (south west) waa mid u baahan in lagu baraarugo bal u fiirso dhacdooyinka isxigxiga oo sameeyeen

Ciidama Itoobiyanka ah ee ku sugan Gobalka Bay waa tan koowaad ee qabashadii Bishii Disember 2018 Murashaxii aqlibayada badnaa ee South West Mudane Sh Muktar Robow waxaa loo adeegsadey soo qabashadiisa Ciidamo Itoobiyaan oo weliba ka mid ahayn AMISOM waa tan labaad diyaaradii mucaawinada sidey oo ay soo rideen 4/05/2020 ayna xasuuqeen dadkii saarnaa isla Ciidmada Itoobiya oo ah kuwo aan ku joogin magaca Nabad ilaalinta. Ficilada gurucan oo ay ka hayaan Ciidama Itoobiya Koonfurta Soomaliya ku xadgudub madax banaanida dalka iyo ka raali ahaanshaha Madaxweyne M FARMAAJO waxaa hubaal ah iney ahaan doonto taariikh madoow oo la iloowi doonin..

@Okash Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here