Waxaan jeclaan lahaa inaan ku biiriyo fikirkeyga doorashooynka soo socda 2020/2021 ee Somalia Xalka waa in la raaco labo hab mikood. In bulshada oo dhan la baro loogada xisbiyada iyo sawirada musharixiinta taasoo lagu gaarsiin karo xitaa dhanka intenetka iyo adeegayaal sawirada qeybiya waa marka ay tahay qod iyi cod (One man One vote) xiliga doorashada ay u dhacdo si hufan iyadoo lagu xirayo Kaamirooyin CCTV ah oo ay hagayaan Guddi loo carbiyey weliba codeeyaha (qofka wax dooranaya) inuu si waadax ah u soo bandhigo meeshu ama xisbiga u u codeeyey inuu la socdo in la daawanayo muuqaalkiisa uuna muujiyo sawirka uu doortey ka dibna sanduuqa ku rido iyadoo loo wada jeedo tana waxay qeyb ka tahay fikir aanu kasoo tixraacney hab dhaqankii cadadlada ku saleysnaa ee inta badan ay ku qaabeeyaan siyaasiyiinta xisbiyada dowladaha hore u marey qaarkood iyo weliba in Soomliya 1956 Mar la isku dayey in la baro dadka caalamadaha xisbiyadii siyaasadeed ee waagaas ka jirey dalka.
Tan labaad waxay ila tahay barlamaan u qeybsan xisbiyo uu jiro ay u baratamaan si dimuqraadi ah taa bedelkeeda hadii si kale aanu u dhigno waa mid macruuf ku ah habkii ay Soamlidu taqaan oo ahwaa in nidaamka barlamaanka la maro doorosho cusub baarlimaan iyo u codeeyaan qofkii ay u arkaan Murashaxii ku haboon hogaaminta laakiin waxaan ku adkeynaa fikirkeyga in xiriirka isgarsiinta iyo kulamada laga yareeyo xubnaha wax dooranaayo si aynaan ugu milmin dulaaleyda siyaasiyiinta ee wax isdaba mariya oo ay noqoto marxalada doorashadu maalmo isku xiga oo kala ah maalin ay ka dhegeystaan barnaamij soo jeedinta siyaasadeed ee Murashax kasta oo maalinka xigana ay noqoto doorasho xalaal ah Guddiga doorashaduna oo ahaado mid ka madax banaan siyaasadaha is diidan ee jira goob joogna ay ka ahaadan goob joogayaal caalami ah iyo Culimada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
W/Q Okash Sugow
Sugoow55@hotmail.com
