Waxaa Gelinkii dambe Ee Maanta xilka iska casilay Agaasimhiii Dalxiiska Degmada Dayniile Cabdiraxmaan Xuseen Gacal (Maanka) sida uu sheegay waxa uu xilka uga tegay Hal Sabab Awgeed.
C/raxmaan Gacal waxa uu tixaabay inay is qabteen oo shaqadiisa ka wadan waayey Gudoomiyaha Degmadaas Maxamed Abuukar Jacfar.
Maalmihii dambe waxaa indhaha ay ku foognaayeen Dayniile oo dalxiiskeedu gaaray ilaa Mas’uuliyiin katirsan Dawlada ay tegaan,inkastoo muran ka dhashay Beero lasoo bandhigay oo lagu sheegay inay Dayniile aheyd balse dadka qaar ay Deegaanka Basra ku sheegeen.
