Afwerki oo ku hanjabay inuu soo xiri doono M/weynayaashii hore, Xasan iyo Sh. Sharif

0
21

Madaxweynaha dalka Eritereeya Isiaas Afwerki ayaa wacad ku maray in uu ka caawin doono Madaxweyne Farmaajo in uu soo xiro labadii Madaxweyne ee isaga danbeeyay xukunta dalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Sharif Shiikh Axmed. Afwerki ayaa hadalkaan ka sheegay kulankii bishii hore uu kula kulmay madaxweyne Farmaajo magaalada Casmara.

Afwerki ayaa rumaysan in labadaas Madaxweyne ay qayb ka ahaayeen qorshooyinkii lagula dagaalay dowladiisa iyaga oo garab siinayay xukunkii Tigreeyga ee talada dalka Itoobiya hayay xiligii ay talada dalka Soomaaliya hayeen.

Afwerki ayaa gaar ahaan waxa uu eedayn xoogan dusha kaga tuuray  Madaxweyne Shiikh Sharif isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa ninkii khayaanay Kacdoonkii maxaakiimta isaga oo la saftay qorshahii ay wadatay dowlada Maraykanka iyo hogaankii Males Sanawi.

Dowlada Eritereeya ayaa ciidamo u soo tababaraysa Farmaajo kuwaas oo dufcadii u horeeyay la filaayo in la keeno magalaada Muqadishu dabayaqaada bisha Maarso  ama horaanta bisha Abriil ee sanadkan. Ciidankaas oo ku hubnaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la filayaa in ay si xoog leh ula wareegaan dhamaan magalaada Muqadishu.

Farmaajo ayaa la filayaa in asbuuca soo socda uu dib ugu laabto magalaada Casmara ee dalka Eritreeya halkaas oo uu kula soo kulmo doono RW Itoobiya Abiy Axmad iyo Madaxweynaha dalka Eritereeya Afwerki.

Farmaajo ayaa ku sheegay wareeysigiisii ugu danbeeyay in dalka uusan xamili karin doorasho iyo hogaan cusub isla markaana ay muhim tahay in hogaanka hadda joogaa uu dalka sii hayo. Hadalka ka soo yeeray Farmaajo ayaa ahaa fartiin ku socotay madaxdii hore iyo musharaxiinta doonayso in ay ka qayb-qaadato doorasho dalka ka dhacdo.

Afwerki ayaa sidoo kale abaal u hayo Maxamed Siyaad Barre iyo beeshiisa Mareexaan, ka dib markii Maxamed Siyad Barre uu siiyay kaalmo ciidan iyo mid dhaqaale uu kula dagaalo taliskii hore ee Itoobiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here