Afar ka tirsan al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Kismaayo

0
11

Howlgal ay sameeyeen ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa lagu dilay afar ka tirsan al-Shabaab meel u dhow magaalada Kismaayo.

Ragga weerarka lagu qaaday ayaa ku sugnaa deegaanka Yaaq-bishaaro oo kismaayo kaga beegan dhanka galbeed.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa xaqiijiyay in lagu dilay howlgalkaa afar ka tirsan al-shabaab laguna soo furtay hubkii ay siteen afarta nin.

Afhayeenka ayaa intaas raaciyay in ay sii wadayaan howlgallada lagu beegsanayo kooxaha ka tirsan Al-shabaabka ah ee ku dhuumaaleysanaya agagaarka malagaalada, isagoo la hadlayey warbaahinta dowladda.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay weerarro ku qaadayey saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here