Abiy Axmed oo xilka sii heysan doona inta uu ka dhamanaayo Covid-19

0
16

Xildhibaannada dalka Itoobiya ayaa u codeeyay in la kordhiyo muddo xileedka dowladda uu Ra;iisul Wasaaraha ka yahay Abiy Axmed, taasoo loo oggolaaday inay maamulka sii heyso waqti aan la cayimin.

Mudaheyaasha oo kulan yeeshay ayaa sidoo kale isku raacay in waqtiga loo kordhiyo maamul goboleedyada federaalka Itoobiya.

Waxay dhanka kale sheegeen in doorashada guud ee qaranka la qaban doono 9 bilood kaddib marka ay mas’uuliyiinta Caafimaadka ku dhawaaqaan inaysan wax halis ah jirin.

Dadka kasoo horjeeda tallaabada baarlamaanka uu xarigga ugu sii daayay xukuumadda ayaa walaac ka muujinaya in aysan jirin cid og waqtiga uu dhammaan karo cudurka safmarka ah ama in ay dowladdu mar kale dalban doonno muddo kordhin xileed iyo dib u dhigista doorashada.

Maalintii Isniinta, Afhayeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya Kheyra Ibraahim ayaa xilkii iska casishay, iyadoo u muuqatay inay ka careysneyd qorshaha dib u dhigista doorashada waddankaas ku yaalla geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here