Abiy Ahmed oo cambaareeyay rabshado lagu bartilmaameedsaday Maasjiddo oo ka dhacay gobolka Amharada

0
8

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Sabtidii cambaareeyay Rabshado lagu weeraray Maasjiddo oo ka dhacay gobolka Amharada.Ra’isal Wasaare Dr Abiy Axmed oo bartiisa facebook fariin uu ku  cambaareynayo dhacdadi magaalada Mootaa ee deegaanka Amxaarada oo  masaajidda lagu gubay wuxuu sheegay “Dalka Itoobiya ee waddada horumarka  cagta saaray oo dhaqanka u lahaa dadyoowga diimaha kala duwan aaminsan  iney si istixtiraam leh ay uga wada noolaayeen ay jiraan kooxa xagjir ah  oo doonaya dhaqankaaasi soo jireenka ahaa iney burburiyaan. 

Isaga oo sii hadlaya ayuu yiri “Waxaan cambaareynayaa ficilada  fulaynimada ah waxaanan ugu baaqayaa dhamaan itoobiyada nabada jecel  inay soo bartaan aqoonta qotada dheer ee wada noolaanshaha iyo  ixtiraamka.”

Wuxuuna shacabka Itoobiya uu ugu baaqay iney ka wada qayb qaateen dhanka wada noolashaha ee soo jireenka ah sidi ay u ilaashan lahaayeen kooxaha bulshooyinka diimaha kala duwan aaminsan iska horkeenayana ay ka hortagaan.

Masaajiddo ku yaalla magaalada Moota ee deegaanka Amxaarada dalka  Itoobiya ayaa Jimcihi dab la qabadsiiyey iyada oo boob iyo burburinba  loo geystay gooba ganacsiga oo ay muslimiinta laga tirada badan yahay ee  magalada Mootaa ku nool ay lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here