Abey Axmed oo lasheegey in gacantiisa kabaxdey awoodii Itoobiya.

0
114

MUQDISHO(TEBIYENEWS)-Tan iyo markii uu fashilmey afgenbigii dhicisoobey Gobolka Amxaarada ayaa waxaa soo ifbaxey kala daadsanaan iyo dagaalo qowmiyadeed oo kadhacayey dalka Itoobiya.

Dagaalada ayaa lasheegey ay socodeen kuwaad halsano balse saxaafada laga qarinaayey, raisul wasaraha Itoobiya ayaa lasheegey in uu ku mashquuley siyaasada dibada halka siyaasadii gudaha ay faraha kabaxdey.

Itoobiya ayaa waxaa kajira qowmiyado kuwaas oo iska soo horjeeda siyaasad ahaan, Qowmiyada Amxaarada ayaa lasheegey in ay aad uga soo horjeedaan Abey axmed iyo qowmiyada uu kasoo jeedo  ayagoona aaminsan in ay xaq uleeyihiin hogaanka Itoobiya.

Hada Itoobiya waxaa kasocoda dagaalo xoogan oo udhaxeeya qowmiyadaha  dalkaasi waxaana lashegey in dowlada ay maaro ula’adahay.

Hadii dagaalka sii socodo ayaa waxaa lasheegaya in Itoobiya  ay qarka usaarantahay in ay burburto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here