Aaska dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee xalay ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

0
10

Allaha ha unaxariistee waxaa isbitaalka xoogga dalka ka dhacay aaska sideed dhalinyaro ah oo xalay ku dhintay weerar argagixiso oo lala beegsay maaqayad ama goob lagu nasto ee loo yaqaano Gelato Devino ee ku taalla ka soo horjeedka xarunta Sahal ee wadada garoonka Aadan cadde.

Aaska waxaa ka qayb-galay boqolaal dad shacab ah, qaar ka mid ah ehelada murxuumiinta, masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya  iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Weerarkaan xalay lala beegsaday goobtaan lagu nasto ayaa sidoo kale waxaa jiro dad kale oo dhaawacyo  ka soo gaareen, iyadoo lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here