Xabsiga Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay waxaa maanta laga sii daayey Afar qof oo Bilo uxirnaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maxaabiista lasii daayey waxaa ku jira Wariye C/qaadir Barre Macalin,Samafale lagu magacaabo Liibaan Ibaahim Liibaan {Midnimo} Nabadoon Xasan Isaaq iyo Mustafa Warsame oo isna Xil kasoo qabtay Maamulka Gobolka Bay.
Waxa lagu Eedeeyey inay ka qeyb galeen Kulan looga hadlayey soo dhaweyn la filayey bilo ka hor Xisbiga Himilo Qaran Ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed Hogaamiyo balse la baajiyey safarkooda.
Ehelada Maxaabiistani ayaa waxay sheegeen inay ku farxeen sii deyntooda,iyadoo midkiiba laga qaaday Lacag dhan 300 Dollarka Mareykanka kadib Maxkamad Ganaax ku riday.
Xabsiga Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay waxaa maanta laga sii daayey Afar qof oo Bilo uxirnaa Maamulkaasi.



