142 ruux oo laga soo celiyay Sacuudiga oo Muqdisho soo gaaray

0
9

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa magaalada Jeddah ee Dalka Boqortoyada Sacuudiga ayaa maanta dowladda Soomaaliyeed ku soo celisay dalka.

Dadka lasoo celiyay oo tiradoodu gaareyso 142 Ruux, waxaana dadkaan qaarkood ay ku jireen xabsiyo.

Dadkaan ayaa u badan haween, waxaana qaarkood Sacuudiga ay ka haayeen Shaqooyin kala duwan.

Inta badan duulimaadyadda caalamka ayaa xiran, waxaana dalalka Caalamka ay dadkooda ku aruuriyaan Safaaraddaha ka dibna waxaa lagu soo qaaddaa hal diyaarad.

Duulimaadkaan waa duulimaadkii Sagaalaad {9} oo ay ka shaqeysay Qunsuliyadda Guud ee Jeddah in Muwaadiniintaas dib loo soo celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here