FAALLO: Guddiyo doorasho oo ballan shaqo ku socon, Maxaa laga filan karaa? BY Abdiweli Garyare

0
33

Malaha markii aad aragtay ciwaanka qoraalkeyga, waxaa kugu soo dhacay isweydiimo badan. Waa sax isweydiimahaasi inay kugu soo dhaceen, waliba ay yihiin kuwa xaqiiqo kawaran ah, laakiin isku dhinac in aan ka joogno arrinta aan ka hadlayo iyo in aan kala dhinac ka joogno, waxay ku xiran tahay sida aad hadba u fakarto akhriste.

Ma ihi ruux kuu sheegaya wax aadan ogeyn, waxaanse ahay ruux ku xasuusinaya akhrite arrin madaxdaadu kugula ballantay oo aysan kasoo bixin. Adigan akhrinaya qoraalkeygana aadan madaxdaada kula xisaabtamin ballamaha muhiimka u ah doorashad oo ay ka baxeen!!.

Madaxda hoggaamisa madasha loo bixiyey “Wadatashiga” ayaa kulamo joogta ah waxay ku yeelanayeen magaalooyin kala duwan oo dalka ah, waxaase ugu muhiimsanaa midkii ka dhacay Baydhabo oo laga soo saaray “Jadwalka doorashada”, ii xasuusnow erayga ah “Jadwalka doorashada”. Maxaa yeelay waa halka aan rabo in aan wax badan kaa tuso.

Shirkaasi inta uu socday waxaa lagu kala diray guddigii doorasho ee muranka badan dhaliyey, maadaama ay ka buuxeen wasiiro dowlada dhexe ah iyo kuwa maamul goboleedyadda, waxaase dib laga soo magacaabay guddi doorasho oo ay ka muuqdaan lataliyayaashii iyo gacan-yarayaashii madaxda ku bahowday (Madasha wadatashiga Qaran). Taasi oo mar kale abuurtay walwal iyo cabsi laga qabo sida ay cadaalad u noqon karto doorasho ay maamulayaan guddiyo qaabkaasi ku dhisan, mana muuqato dariiq wax looga baddelayo.

Waxaa taasi barbar socda ifafaale muujinaya in doorashada aysan ku qabsoomi doonin xilliga loo qabtay, waana tuhun in badan shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ku jiray, balse ay madaxda xilka dowladeed heysa ka af-gobaadsanayeen, haddase ay u muuqato si farsamo ahaan ah inay u dhaceyso arrintaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here